Madaxweynihii hore ee dalka Tunisia oo xukun adag lagu riday, kadib markii la…

Tunisia (Caasimada Online) – Dalka Tunisia ayaa maxkamad waxa ay xabsi siddeed sana ah ku ridday madaxweynihii hore ee dalkaasi ee masaafuriska ku maqan Moncef Marzouki ka dib markii lagu helay dambi ah in uu doonayay “in uu qas ka abuuro” dalkan ku yaalla Waqooyiga Afrika, sida ay sheegtay warbaahintu.

Marzouki, oo 78 jir ah, ayaa ah madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorto dalka Tunisia ka dib kacdoonkii Carabta ee 2011-kii, haatanna waxa uu si adag u dhaleeceeyaa madaxweyne Kais Saied. Waxa uu ku nool yahay Faransiiska, isagoo aan soo xaadirin dhageysigii dacwaddii ka dhanka ahayd.

Marzouki, oo dacwad lagu soo oogay ka dib markii uu qoraallo dhowr ah ku faafiyay baraha bulshada, ayaa 2021-kii xukun xabsi ah lagu riday.

Idaacada Mosaique FM oo soo xiganaysa ilo garsoorka ka tirsan ayaa warisay in Marzouki lagu helay danbi ah “in uu dadka ku kiciyey in ay hubka qaataan”, iyo “kicin in qas iyo boob ay sameeyaan.”

Waaxda dacwad oogista Tunis ayaan ka jawaabin codsi ay AFP ku weydiisay in ay xukunkan ka hadlaan.

Sannadkii 2021-kii ayaa Marzouki lagu xukumay afar sano oo xabsi ah iyadoo lagu eedeeyay in uu halis geliyay ammaanka dalkaasi ka dib markii bannaanbax ka dhacay Paris uu ugu baaqay Faransiiska in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan Madaxweyne Saied.

Tan iyo bishii Nofeembar 2021-kii ayaa waxa uu sidoo kale Tunisia u ahaa bartilmaameedka amar ah in la soo qabto ka dib markii madaxweynaha hadda talada haya uu Marzouki ku tilmaamay “cadowga Tunisia” uuna kala nopqday baasaboorkiisa diblomaasiga ah.

AFP + VOA