Rag dhallinyarada u tahriibiya si yaab leh oo lagu qabtay Muqdisho iyo Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku soo dhigay shabakad ka shaqaynaysay tahriibinta dhalinyarada  ku nool gudaha magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee maamulka Jubbaland.

Booliska Jubbaland ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku soo xireen 13 qof oo afar ka mid ah ay kuwii dhalinyarada tahriibinaayey yihiin, halka sagaalka ay yihiin dhalinyaro dalka laga tahriibinaayey.

Laba ka mida dadkii la tahriibinayey ayaa haatan ku xiran deegaanka Bilis-Qooqaani oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, sida uu sheegay Taliye ku xigenka qaybta danbi baarista ee booliska Jubbaland L/Xidigle Muxiyadiin Maxamed Cumar.

Jubbaland ayaa xabsiga dhigtay dhammaan muqalasiintii dadka tahriibineysay iyo dadka la qabtay iyagoo dalka ka tahriibi raba, waxaana la sheegay in muqalasiinta ay suurta-gal tahay in la maxkamadeeyo.

Maalmihii lasoo dhaafay sidaan oo kale guri ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxaa laga soo qabtay rag muqalasiin ah oo dhalinyarada tahriibi jiray iyo koox dhalinyaro ah oo qorsheynayey inay dalka isaga baxaan oo tahriib khatar ah galaan.

Booliska Soomaaliya ayaa xabsiga u dhaadhiciyey muqalasiintii, waxaana la sheegay in la maxkamadeynayo maalmaha soo socda, markii ay soo dhamaadaan baaritaanada ku socda.

Shabakadahaan lagu kala qabtay Kismaayo iyo Muqdisho ayaa la sheegay inay isku xiran yihiin, isla markaana ay qiyaameen dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalka ay ka tahriibiyeen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Si loo marin habaabiyo qofka, marka hore waxaa la sheegay in dhalinyarada ay safarkooda qurbaha ka siinayaa tilmaamo muujinaya inay Yurub ku geli karaan si fudud, balse markii ay dalka ka bixiyaan ay geynayaan dalka Liibiya, halkaas oo xabsi iyo jirdil ay ku mari doonaan, ilaa qoysaskooda ay ka soo diraan lacago u dhaxeeya 8 ilaa 10 kun oo dollar.

Marka hore xeeladaha ay isticmaalayaan raggaan muqalasiinta ah waxaa ka mid ah in qofka ay ka wadayaan dalka aysan ka qaadeyn wax lacag ah, ilaa ay geystaan Libya, si loogu jir-dilo, waxayna shabakadahaani qiyaameen dhalinyaro badan dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay dalka ka tahriibiyeen.