Shir xasaasi ah oo ka dhacay xafiiska Xamza + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shir xasaasi ah oo ay yeeshiin golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan Isbeddelka Cimilada Adduunka.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray qorshaha Qaran ee hortagga dhibaatooyinka ay dalkeenna ku sababeen Isbeddelka Cimillada Adduunka.

Sidoo kale waxaa  lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira saameynta kala duwan ee isbeddelka cimilladu ay ku yeelatay dalkeenna iyo heerka uu marayo qorshaha dalka ee la qabsiga isbeddelka cimillada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sharraxay ujeedada shirkan muhiimka ah ee laga yeeshay Isbeddalka Cimilada Adduunka.

“Waxaa si gaar ah looga hadlay qorshaha qaran ee dhimista dikhowga hawada, taasi oo hoos loogu dhigayo walxaha hawada wasakheeya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adkeysiga khataraha ka dhasha isbeddelka cimillada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in isbeddelka cimilladu uu saameyn toos ah ku yeeshay Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddello ballaaran laga dareemaye.

Ra’iisul wasaaraha ayaa faray hey’adaha dowladda inay qorshooyin cadcad ka soo gudbiyaan meelaha ugu daran ee u baahan maalgelinta isbeddelka cimillada.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli weli dalka laga dareemayo saameynta xaaladda Elnino oo dhibaatooyin xoogan ka gaysatay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.