25.7 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Qorshaha Xasan Sheekh oo caqabado culus wajahaya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa illaa iyo hadda waxa u muuqata in dalka ay ka qabsoomi karto doorasho dadweyne (Qof iyo Cod), inkastoo ay jiraan caqabado waaweyn oo u muuqda in uu ka gaabinayo sidii looga gudbi lahaa.

Dowladda Federaalka ah waxay mucaaradad xooggan kala kulmaysaa siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Madasha Samatabixinta Qaran, oo ay Puntland iyo Jubaland kaabayaan. Khilaafka masiiriga ah ee u dhexeeya ayaa ka dhashay wax-ka-bedel lagu sameeyay Afar (4) ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG, kaas oo la meelmariyay 30-kii bishii Maarso ee sanadkii 2024.

Maalin ka dib markii Golaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay ansixiyeen wax-ka-bedelka cutubyada Dastuurka Qabyo Qoraalka, isla markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay, ayay Puntland ku dhawaaqday inay hakisay wada-shaqayntii ay la lahayd Dowladda Federaalka, illaa iyo inta laga laabanayo wax-ka-bedelka lagu sameeyay afarta cutub ee Dastuurkii KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee heshiiska lagu ahaa.

Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa in muddo ahba ka biyo diidanaa wax-ka-bedelkaas, iyagoo Dowladda Federaalka kaga digay habka ay u maamulayso doorashada soo socota.

13-kii bishii Ogosto, waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulamo ay siyaasiyiinta Mucaaradku la lahaayeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka, ka dib markii ay isku afgaran waayeen in laga laabto qodobbadii la bedelay ee Dastuurka Qaranka, si marka hore looga heshiiyo in wax laga beddelayo iyo haddii kaleba.

Qodobbada wax-ka-bedelka lagu sameeyay ayaa u gogol xaaraya in dalka sanadka 2026 laga qabto doorasho ay dadweynuhu si toos ah ugu soo dooranayaan hoggaamiyeyaasha matali lahaa, taasoo ay mucaaradku sheegayaan in aan la qaban karin iyadoo aanu heshiis jirin.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysanaysa inay khasab tahay in tobanaan sano ka dib dalka laga hirgeliyo hannaan doorasho oo ku dhisan metelaadda dadweynaha, si jiho cusub loogu kaxeeyo nidaamka dowladnimada ee dalka.

Mucaaradka ayaa diidan in shacabka loo tuso inay iyagu diidan yihiin in dadku codkooda wax ku soo doortaan, balse ay ka soo horjeedaan qaabka ay Dowladda Federaalka u maamulayso doorashada.

Madaxweynaha oo iska yareynaya cadaadiska ka haysta siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta Qaran, ayaa ku guulaystay inuu laba garab u kala jebiyo, ka dib markii dhammaadkii bishii Ogosto uu heshiis la galay afar xubnood oo mabda’ ahaan ka tanaasulay mowqifkii ay ku wada socdeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyo Ex-Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku heshiiyay in doorasho toos ah lagu soo doorto Goleyaasha Deegaanka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal labadaba, iyadoo Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalkuna ay soo dooran doonaan Madaxweynaha.

Tani waa tanaasulkii ugu weynaa ee Madaxweynuhu hal tallaabo ugu qaaday in laga heshiiyo doorashada, balse weli kuma filna in xalka la gaaro. Sida la milicsado, garabka kale ee siyaasiyiinta Madasha Badbaadada Qaran waa garabka ugu weyn, isla markaana diidan in dalku uu doorasho aado heshiis la’aan ama la’aantooda, waana xilli ay horey u taageeraysay Puntland, haatana ay ku soo biirtay Jubbaland.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaamiya garabka ugu weyn ee xubnaha mucaaradka, ayaa dhawaan sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ka baxsan karin xaqiiqada, isla markaana ay tahay in si wadajir ah loo dhammeeyo khilaafka masiiriga ah ee taagan.

Madaxda Qaranka waxay garowsan yihiin saamayn-siyaasadeedka ay leeyihiin dhinacyada ka soo horjeeda, inkastoo ay ka shaqeynayaan in meesha laga saaro maamulka Jubaland-ta uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyagoo lagu beddelayo maamul cusub oo dadka reer Jubbaland ay leeyihiin, kaas oo la doonayo in laga dhiso Magaalada Garbahaarey, isla markaana ay Villa Soomaaliya aqoonsan tahay.

Iyadoo caqabadahan siyaasiga ahi ay Dowladda Federaalka wax uga dheeli karaan, haddana waxay dhibaato kale ka haysataa dhinaca amniga, marka aad eegto in maleeshiyada Al-Shabaab ay isku dayayaan inay dhul cusub ka qabsadaan ciidamada.

Al-Shabaab ayaa horaantii iyo bartamihii sanadkan dhul ballaaran ka qabsaday deegaannada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, markii ay dib ugu soo laabteen degmooyin iyo deegaanno horey looga xoreeyay.

Al-Shabaab ayaa ugu yaraan shan degmo iyo qiyaastii soddon deegaan ka qabsaday bariga Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Duruufaha amniga iyo kuwa siyaasiga ah ee ka jira dalka, muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee billaha ka harsan yihiin, iyo Beesha Caalamka oo aan dhaqaale ku bixin doonin doorasho aan heshiis lagu ahayn, ayaa Dowladda Federaalka ku noqon kara xujo aan laga gudbi karin. Haddii ay dhacdo inaan xalka la gaarin, waxay keenaysaa in lagu laabto doorashadii dadbaneyd ee dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay wax lagu soo dooranayay.

- Advertisement -

Read more

Local News