Qorshe culus oo Al-Shabaab ay damacsaneyd oo laga hortagay, lana bur-buriyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in howl-gal culus oo lagu fashilayay qorshe ay damacsaneyd kooxda Al-Shabaab laga fuliyay duleedka degmada Waajib.

Ciidamada Qaranka ayaa maanta dagaal-yahaano Al-Shabaab ah ku weeraray goob ay isku uruursanayeen duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay kasoo maleegayeen weeraro lagu beegsanayo ciidamada huwanta.

Wararka hordhaca ah ee aan ka heleyno howl-galkaas ayaa xaqiijinaya in kooxda jab culus lagu gaarsiiyey halkaasi, ayada oo lasoo warinayo in meydad tiro badan ay ka carareen dagaal-yahaanadii halkaasi nolol uga baxsaday.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada fuliyey howl-galka ayaa dhankooda xaqiijiyey inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyeen goobihii ay isku uruursanayeen ee lagu weeraray.

Bur-burinta Shabaab-kii isku aruursaneyay Waajib ayaa imanaya xilli ay shalay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay howl-gal culus ka fuliyeen deegaano dhaca jiinka wabiga, oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Howl-galkaasi ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi, sida lagu sheegay bayaan shalay kasoo baxay dowladda.

“Howlgalka oo loo qorsheeyey si heerkeedu sarreeyo laguna dilay in ka badan 30 Khawaarij ah ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose iyo jiinka Wabiga” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Sidoo kale waxaa howl-gallo kale oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni lagu soo qabtay illaa 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo iyagana dhibaato ka waday gudaha deegaankaasi.

Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay howl-galladii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, taasi oo meesha ka saareysa gaabiskii bilihii dambe ku yimid howl-galka kooxda, oo wejiga koowaad ee dagaalka looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacantooda.