Sawirro: Ciidamada NISA iyo DANAB oo ‘nolosha kusoo qabtay’ xubno Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo qabtay howl-galka ka socda gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka xubnaha Shabaab-ka lagu soo qabtay ayaa ka dhacay tuulada Soomarey oo hoos tagta degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Nabad-sugida Jubbaland ee Gurmad Qaran ayaa Jubbada Hoose ka wada howl-galka ballaaran oo looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Dagaal-yahaanada ay nolosha kusoo qabteen ciidamada iskaashanaya ayaa sawiradooda la baahiyay, kuwaasi oo laga dheehan karayo wejigooda silica iyo rafaadka hawdka ku haysta kooxda, oo xilligaan wajaheysa guluf culus oo ka dhan ah.

Illaa afar xubnood ayaa la baahiyay sawiradooda, waxaana weli socda howl-galka lagu baacsanayo dagaal-yahaanada kooxda, ee ka socda gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba, Ciidamada Qaranka oo kaashanaya xoogagga deegaanka iyo ciidamada ammaanka dowlad-goboleedyada ayaa kordhiyey howl-galada lagu beegsanayo Al-Shabaab, iyada oo guulo wax ku ool ah laga gaaray wejiga koowaad ee dagaalka.

Inkasta oo kooxda Al-Shabaab ay mararka qaar weeraro ku soo qaado xeryaha ciidamada dagaalka kula jira, haddana waxay kooxdu gulufka socda wejigiisa koowaad ay ku lumisay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ay gacanta ku haysay, halka looga laayay dagaal-yahaano iyo horjoogayaal badan.