Qorshe culus oo ka dhan ah Shabaab oo ka billowday deegaano ka tirsan K/G

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Bakool waxay sheegayaan in maanta dowr deegaan ay duqeymo ka fuliyeen diyaarado dagaal, kuwaas oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeymaha oo ahaa kuwo isdaba joog ah ayaa ka dhacay deegaanada kala ah, Abag-beeday, Gobid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Warbixin uu baahiyey TV-ga maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu shaaciyey in duqeymahaas lagu dilay xubno sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, in kastoo aan weli lasoo bandhigin tiro rasmi ah oo lagu dilay duqeymahaas

Warbixintan waxaa lagu sheegay inay bilaawdeen dadaalo maamulka Koonfur Galbeed iyo la howlgalayaasha Soomaaliya ay Al-Shabaab uga sifeynayaan gobolka Bakool oo guud ahaan degmooyinka iyo deegaanadiisa ay qaar heystaan Al-Shabaab, qaarna go’doomiyeen.

Duqeymahaan maanta ka dhacay deegaanadaas ka tirsan Bakool waxay ku soo aadayaan iyadoo xalay duqeyn kale oo la sheegay in lagu dilay xubno Shabaab ah ay ka dhacday deegaan lagu magaaco Ma’moodow oo qiyaastii 40-KM u jira magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Duqeymahaan isdaba jooga ah ee ka dhacay gobolka Bakool, waxay ku soo aadayaan iyadoo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu dhawaan safar ku tegay magaalada Xudur oo xaalad bini’aadanimo ay ka jirto, taas oo uu kaliftay go’doon adag oo Al-Shabaab ay ku soo rogeen gobolka Bakool.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa intii uu ku sugnaa Xudur waxuu dadka reer Bakool u sheegay in maamulkiisu uu ku dhaqaaqi doono tallaabo gobolkaas looga xoreynayo Al-Shabaab, si noloshii aas-aasiga aheed ee bulshada gobolka ay dib ugu soo noqoto.

Duqeymahaan ka bilaawday deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobolka Bakool ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ku yimaadeen dalab dowladaha taageera Soomaaliya uga yimid maamulka Koonfur Galbeed, si wax looga bedelo go’doonka 9-sano jirsaday ee Al-Shabaab ay ku hayaan inta badan gobolka Bakool iyo deegaano kale oo ka tirsan gobollada uu ka arrimiyo maamulka K/Galbeed.