Tallaabada xigta ee u furan A/Madoobe iyo Deni kadib markii uu baaqday shirkii…

Waxay u muuqataa in uu baaqday shir looga hadli lahaa is-mari waaga ka taagan doorashada, kaasi oo ay ku baaqeen madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland inuu dhaco maanta oo ay bisha Janaayo tahay 30.

Kullanka oo ay ugu baaqeen madaxda kale ee Maamul goboleedyada iyo kuwa federaalka ayaa looga wada hadli lahaa arrimaha amniga.

Khilaaf ayaa weli ka taagan arrinta la xiriira doorashada Soomaaliya. Xilka madaxweynaha wuxuu dhammaanayaa Bisha February, welina wax heshiis ah lagama gaarin.

Hadaba, maxaa u furan Puntland iyo Jubaland?

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga jaamacado ku yaalla Mareykanka iyo Koofur Afrika, kana faallooda arrimaha Soomaaliya oo BBC-da u warramay, ayaa aaminsan in haddii uu shirku qabsoomi waayo ay jiraan arrimo badan oo u furan labada maamul-goboleed.

“Waxyaabo fara badan ayaa suurto gal ah, laakiin waxay noqon doonto Allaa og. Waxaa la isugu yeeri karaa labada guri ee baarlamaanka madaxdooda, waxaa la isugu yeri karaa gobollada oo dhan, madaxweynaha uun ayaa ka maqnaanaya,” ayuu yiri.

Waxaa horey loogu baaqay dhowr kulan si loo xalliyo khilaafaadka doorashada ee soo baxay ka dib heshiiskii bishii Septmebr ay wada saxiixdeen madaxda maamullada iyo dowladda Federaalka.

Beesha Caalamka, ee uu hoggaaminayo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa horay uga dalbatay dhinacyada ay khuseyso siyaasadda Soomaaliya in ay meel dhexdhexaad ah oo la isku waafaqsan yahay ka istaagaan arrimaha doorashada, ka hor inta aan wax tallaabo ah loo qaadin fulinteeda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ee Soomaaliya taageerto waxaa lagu sheegay in “ay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada si horey loogu socdo”.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – Waana in aysan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn”.

Cabdi Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in beesha caalamka aysan dooneyn in qalalaaso uu ka dhaca dalka, sidaasna laga yaabo in ay arrinta u soo dhex gasho oo shir la isugu yeero maamul-goboleedyada iyo madaxda dowladda dhexe.

Tan iyo markii guddiyada Puntland iyo Jubaland ee doorashooyiinka, lagu dhawaaqay, waxaa sii xoogeystay khilaafka salka ku haya arrimaha doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo labada maamul ee xubnaha ka ah federaalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta ee federaalka ayaa ku gacan seyrtay labada guddi ee lagu magacaabay Garoowe iyo Kismaayo, waxayna sheegtay in aan la waafajinin habraacyadii lagu heshiiyay.

Dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda kama jawaabin baaqa Puntland iyo Jubaland ee ah in kulan la isugu yimaado, iyadoo ay maamulladu maanta u asteeyeen qabsoomidda shirkana ma jirto saansaan muujineysa inuu kulan dhici doono.

Hase yeeshee bayaan kasoo baxay UNSOM ayaa lagu caddeeyay mowqifka ay beesha caalamku ka taagan tahay arrintan muranka cusub dhalisay.

Qoraalka UNSOM waxaa lagu yiri: “Saaxiibada beesha caalamku* waxay soo dhoweynayaan magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo.”

“Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay,” sidaa ayaa ku xusnayd warbixinta.

Sida ku xusnayd warsaxaafadeedkii ay 27-kii bishan si wada jir ah u soo saareen labada maamul ee Puntland iyo Jubaland ayaa lagu yiri: “Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo beesha caalamkaba la socodsiineynaa in Puntland iyo Jubaland ay mar walba diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii doorasho loo dhan yahay oo lagu wada kalsoonaan karo ay dalka uga dhici lahayd.

“Sidaas darteed, waxaan madaxda Dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ugu baaqeynaa in shir degdeg ah laysugu yimaado magaalada Muqdisho 30-ka January 2021 si loo xalliyo arrimaha hortaagan doorashada.”

Laakiin, bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu qaaddacay labadaas liis ee ay soo saareen madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Waxay wasaaradda ku dooday in xubnaha lagu dhawaaqay ay yihiin kuwo aan la waafajin hannaankii lagu heshiiyay.

Qoraalka Wasaaradda waxaa ku dhigaa: “Heshiiskii Dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ku gaadheen magaalada Muqdisho, 17-kii bishii September 2020, oo ay meel mariyeen Golaha Shacabka iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee sida wadajirka ah loo saxiixay 1-dii October, 2020, wuxuu qeexayay hannaanka lagu magacaabayo guddiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.”

Isha: BBC Somali