Madaxweyne Farmaajo oo shirar isugu yeeray madax goboleedyada iyo 2-da aqal

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laba shir oo kala duwan isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo laba aqal ee baarlamanka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey waxaa uu soo saaray go’aanadan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Go’aanada madaxweynaha kasoo baxay oo shan ah ayaa war-saxaafadeedka ugu qornaa sidan:

1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug. 

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021. 

4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Farmaajo uu maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay wakiilada beesha caalamka, kuwaasi oo ku cadaadiyey in xal deg deg ah loo helo is-mari waaga ka taagan doorashada.