Caynte oo ‘qab-jab’ qaran ku tilmaamay tallaabada uu maanta qaaday madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa dhaliilay tallaabada uu madaxweyne Farmaajo ugu baaqay shir uu la yeesho madax goboleedyada kadib markii uu maanta la kulmay wakiilada beesha caalamka.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay inay qab-jab tahay in madaxweyne Farmaajo uu cadaadiska iyo canaanta beesha caalamka un wax ku maqlo, intii uu iskiis garan lahaa inuu la kulmo dadka uu madaxda u yahay.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Caynte oo dhameystiran.

Waa markii labaad lix bilood gudohood oo uu madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo  iclaamiyo kulan wadatashi ah oo uu la yeelanayo madaxda dowlad goboleeyada, kaddib marka ay danjirayaal shisheeye farriimo canaan iyo ceebeyn isugu jira hawada usoo mariyaan, cagajugleyn dadbanna ku laraan. 

Dhaqankan wuxuu qab-jab ku yahay sharafta iyo karaamada guud ahaan dowladnimada dalka, gaar ahaan maqaamka madaxweynaha.

Muwaadin kasta wuxuu ka jeclaan lahaa inuu madaxweynuhu garto inuu iskiis ula kulmo dadka uu madaxweynaha u yahay ee aragti ahaan kasoo horjeeda, kana garaabo tabashooyinkooda. 

Wabillahi towfiiq.