Wararkii ugu dambeeyey qaraxa hotel Afrik

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay waddada aadda garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qeyb badan oo magaalada ka mid ah.

Qaraxa ayaa lagu warramayaa inuu ka dhacay meel u dhow hotelka Afrik, oo ay ku taallo bar laga kantoroolo baabnuurta aadeysa dhanka garoonka diyaaradaha. Waxaa qaraxa xigay rasaas xooggan. 

Qaraxan ayaa ahaa mid gaari waxyaalaha qarxa lagu soo xirey oo lagu dhuftay albaabka hore ee Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay xigeen laba qarax oo kale, iyo rasaas xooggan oo la is-weydaarsaday. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in koox hubeysan ay galeen hotelka, islamarkaana ay ka dhex dagaalamayaan.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lasoo warinaya in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah.

Hotelka Afrik ayaa ka mida Hoteellada waaweyn ee ay degaan dadka dibadda ka yimaada ayna tagaan dadka caaadiga ah, Wararka ayaa sheegaya in Hotelka uu ku sugnaa xilliga uu Qaraxa iyo weerarku dhacay Saraakiil ka mida ciidamada dowladda iyo ilaaladooda.

Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.