Duqeyn culus oo markale ka dhacday gobolka Bakool

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn diyraadeed oo xalay markale laga fuliyey gobolka Bakool ee K/Soomaaliya.

Duqeynta oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacday deegaanada Garasweyne, Abag-beeday, Gobid-Galoole iyo Moorogaabey.

Koonfur Galbeed oo ka hadashay duqeyntaasi ayaa sheegtay in weerarkan lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, walow aysan shaacin tiradooda.

Ujeedka duqeyntan oo noqoneyso tii labaad ayaa waxa ay Koonfur Galbeed tilmaamtay in la doonayo in go’doonka looga qaado degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dhanka kale ma jiro weli waxa hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa ciidamada huwanta ay sare u qaadeen howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.