Dabageed oo tallaabo ka qaaday dad ka qeyb-galay shir ka dhan ah Guudlaawe

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in xalay ciidamo ka amar qaata Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ay xabsiga dhigeen illaa seddax qof.

Dadka xalay la xiray oo mid ay dumar tahay ayaa lagu eedeeyey inay ka qeyb galeen kulan looga soo hor-jeeday madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle, kaas oo shalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Seddaxda qof ee xalay lagu xiray xabsiga dhexe ee magaalada Beledweyne ayaa lagu kala magacaabaa Cabdiraxmaan Xuubeey, Xasan Happy iyo gabar magaceeda lagu soo koobay Ruun, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Ciidamada ammaanka ee ka howlaga magaalada Beledweyne ayaa mudooyinkii dambe baacsanayey dadka ka soo hor jeeda madaxda cusub ee maamulka HirShebeelle, waxaana la diiday kulamo uusan maamulku wax ka ogeyn in lagu qabto magaalada.

Qaar kamid ah beelaha dega magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka soo hor jeestay maamulka cusub ee HirShabeelle, iyagoo ku doodaya in hanaan heshiis lagu yahay aan loo marin dhismaha maamulkan.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa horay looga diiday inuu ka dego magaalada Beledweyne, waxaana jirta jabhad ka soo hor jeeda maamulka cusub in laga aas-aasay deegaano aad ugu dhow magaalada, taas oo uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo wacad ku maray in madaxweynaha HirShabeelle uusan u ogolaa doonin in uu tago magaaladaas.