Qorshe xukuumadda ay ka damacsaneyd Mursal oo ay hal cabqada ka hor-timid

Muqdisho (Caasimada Online) – Hal caqabad oo aan lagu gudbi karin ayaa hor-istaagtay qorshe laga damacsanaa guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal, ka hor inta uusan aqbalin mooshin ka dhan ah madaxweynaha.

Kulamo ay yeesheen madaxda dowladda iyo labada ku xigeen ee guddoomiyaha baarlamanka, ka hor inta aan la shaacin mooshinka madaxweynaha, ayaa looga hadlay sidii laga yeeli lahaa go’aankii uu Mursal kusoo celiyey guddiga maaliyadda baarlamanka, oo xukuumadda ay caqabad u aragto.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Cabdi Weli Muudey ayaa sii jeediyey inuu soo saaro qoraal uu kaga soo horjeesanayo Mursal, kadibna xildhibaanada taageersan xukuumadda ay billaabaan dagaal ugu dambeyn keeni kara in Mursal kursiga laga tuuro.

Si kastaba, kadib wada-hadal dheer, waxaa la go’aamiyey in dagaal lagu qaado Mursal ay dhaawac xooggan gaarsiin karto sumcadda dowladda iyo aragtida ay ka qabto beesha caalamka, sababo la xiriira in dowladda horeyn ay u tuuray Jawaari.

“Haddii Mursal la tuuro, waxaa caalamka uu arkayaa xukuumad dooneysay inaan lala xisaabtamin oo ay isku noqota sharci-dejin iyo sharci-fulin” ayuu yiri xildhibaan xog-ogaal u ahaa kulanka oo ku dhow Muudey.

Waxaa sidoo kale la is-tusay in tallaabo ay qaaddo xukuumadda ay muujin karto in eedeymaha musuq-maasuq ay yihiin kuwa sax ah, taasina ay hogaamin karto in deeqaha caalamka laga gooyo dowladda, gaar ahaan kuwa Mareykanka, Yurub iyo Banka Adduunka.

Ayada oo xaal uu marayo halkaas ayaa mooshinka madaxweynaha waxaa aqbaly Mursal, waxayna hadda u muuqataa inaan dagaal laga fursan doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com