Xog: Yaa ka dambeeya mooshinka FARMAAJO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa 92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay gudbiyey mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mooshinka ayaa madaxweynaha ku eedeeyey “inuu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka, sidoo kalena heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya”

Si kastaba Caasimada Online ayaa ogaatay in dhammaan eedeymahaas aysan ahayn waxa  dhabta ah ee madaxweynaha lagu haysto islamarkaana ay tahay arrin ka baxsan kana weyn gacanta Soomaalida.

Sida aan xogta ku heleyno, mooshinka ayaa waxaa ka dambeeya, abaabulkiisana leh, islamarkaana qarashka ku baxaya dhiibaya xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka ayaa maalmahan ka shaqeynayey mooshinka, waxaana jira xiriir laga dhex-waday guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Tuhunka weyn ayaa soo baxay sabtidii, markii guddoomiyaha baarlamanka uu Muqdisho kula kulmay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Mohamed Khayaat.

Sidoo kale la-taliyaha guddoomiyaha baarlamanka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhowaan la kulmay xubno ka tirsan sirdoonka dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale jirta in mooshinka uu yahay mid aan cusbeyn, oo intiisa badan la diyaariyey dabayaaqadii sanadii tagtay markaas oo uu fashilmay, balse dib ayaa loo cusbooneysiiyey.

Inta badan qodobada mooshinka loo cuskadaya sida arrinta Qalbi-Dhagax iyo ku xagudubka dastuurka waa kuwa hore loo qoray, waxaana lagu daray oo kaliya qodobo dhowr oo cusub, oo xaaladda daagan lagu dabaqay, ayada oo taariikhdana laga beddelay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com