Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa galabta ku kulmay xarunta SoDMA, halkaas oo Yuusuf Dabageed uu ku soo bandhigay qeylo dhaan ka timid Hiiraan.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle wuxuu sheegay in xalaad bini’aadannimo ay cagaha la gashay Hiiraan, tan iyo markii ay soo bilowdeen weerarrada rogaal celiska ah ee Al-Shabaab ay ka wadaan dhulka HirShabeelle.
Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Hiiraan ayuu sheegay Madaxweyne ku xigeenku inay ku barakaceen in ka badan 60,000 oo qoys, kuwaas oo isaga cararay deegaanadii gacanta u galay Khawaarijta oo Moqokori ay ugu dambeysay.
Sidoo kale, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in ay xirmeen in ka badan 10 MCH oo daryeel Caafimaad u fidin jiray bukaano u badan hooyada iyo dhallaanka.
Ku dhawaad 10 deegaan oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo degmada Moqokori ayey dib u qabsatay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Gumare, Ceelqooxle, Aboorey, Yasooman, Beerayabaal, Buqaqable iyo Ceelhareeri.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa codsaday in si dhaqsi leh loo gaarsiiyo taageero bini’aadaninimo oo degdeg ah dadka reer Hiiraan, dad badan ayuu sheegay inay wajahayaan dhibaatooyin ka dhashay weerarrada Al-Shabaab.
Dhankiisa, Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa walaac ka muujiyay xaaladahaas bani’aadannimo ee ka taagan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay ka socdaan weerarrada Khawaarijta iyo howlgallada looga hortegayo.
Maxamuud Macalin ayaa Madaxweyne ku xigeenka ka ballan qaaday in hay’adda SoDMA ay si degdeg ah u gaarsiin doonto gargaar dadka ku barakacay Hiiraan oo 60 kun oo qoys kor u dhaafay.