Qoys Muslim ah oo diintooda darteed loogu laayey Canada

London (Caasimada Online) – Darawal ayaa gaari xamuul ah jiirsiiyey qoys ka kooban shan qof, isaga oo dilay afar ka mid ah, midka kalena si darran u dhaawacay Isniintii, taasi oo booliska Canada ay ku sheegeen weerar si ula kac loola beegsaday, sababtoo ah waxay ahaayeen Muslimiin.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in darawalka oo ahaa nin da’yar lagu xiray goob baabuurta la dhigto oo ka ag dhow goobta uu shilka ka dhacay habeenkii Axadda ee magaalada London ee gobolka Ontario.

Booliska ayaa sheegay in gaariga xamuulka ah la dhigay waddada dhinaceeda, kadibna lagu dhuftay dhibanayaasha ayaga oo goynaya isgoys.

“Kani wuxuu ahaa dil wadareed lala beegsaday Muslimiin,” waxaa sidaas yiri duqa magaalada London. “Wuxuu la xiriiray naceyb aan laga hadli karin.”

Booliska ayaa sheegay in dadka ay kala ahaayeen haweeney 74 jir ah, nin 46 jir ah, haweeney 44 jir ah iyo gabar 15 jir ah. Wiil 9 jir ah ayaa sidoo kale ku sugan xaalad halis ah. Qoyska ayaa codsaday inaan la shaacin magacyada, sida ay sheegeen saraakiisha.

“Hal ficil oo dil ah ayaa qof wuxuu ku tirtiray saddex jiil oo qoys ah. Waa argagax,” ayuu Holder ku yiri wareysi uu siiyey wakaaladda wararka AP.

Nathaniel Veltman oo 20 jir ah ayaa xabsiga ku jira isaga oo wajahaya afar dambi oo dil darajada koowaad ah. Booliska ayaa sheegay in Veltman, oo degan London, uusan garaneyn qoyska uu laayey.

“Waxaan aaminsannahay in dhibanayaasha loo beegsaday sababo la xiriira diintooda Islaamka,” waxaa sidaas yiri madaxa booliska Stephen Williams.

Zahid Khan oo ehel la ah qoyska ayaa sheegay in qoyska la laayeey ay ahaayeen ayeeyo, nin iyo xaaskiiska iyo gabadhooda. Qoyska ayaa la sheegay inay 14 sano kahor kasoo hijroodeen dalka Pakistan.