QM oo xaqiijisay in askar Soomaali ah laga qeyb geliyey dagaalka gobolka Tigray

Asmara (Caasimada Online) – Warbixin lay heshay Caasimada Online oo a filayo inuu dhawaan soo saaro guddiga Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea ee dagaalka Tigrayga ayaa lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay kamid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay Gobolkaas.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay inuu ergeyga gaarka ah ee xuquuqul insaanka helay macluumaad muujinaya in askarta Soomaalida laga soo waday xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalo Eretria isla markaasna la geeyey goobaha dagaalka ee Tigrayga.

Warbixinta oo ka kooban illaa 17 bog oo laga soo bandhigay qeybtaan yar ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadaas marka ay ka gudbayeen xuduudda Itoobiya iyo Eretariya ay wehlinayeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga ee Eretariya.

“Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxay si gaar ah warbixinta u xustay in ciidamada Soomaalida ah ee tababarka loo geeyey Eretariya lagu arkay agagaarka magaalada lagu magacaabo Aksum ee Gobolka Tigrayga, taasoo kamid ah magaalooyinkii ay sida weyn ugu dagaalameyn ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kuwa Tigrayga.

“Sidoo kale waxaa ixtiraam mudan in ciidamada soomaalida ah ay joogeen agagaarka magaalada Aksum,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay beenisay ka qeyb qaadashada askarta Soomaaliya ee dagaalada Tigrayga, iyadoo guddi ka socda baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo sharaxaad ku saabsan halka ay ku dambeeyeen ciidamadii Soomaaliya ee loo diray Eritrea.

Warbixinta oo qeybtaas yar laga soo bandhigay isla markaasna aan wadan caddeymo la isku haleyn karo ayaa lagu sheegay in Ergeyga gaarka ah lagu wargaliyay in guddiga arimaha dibada iyo difaaca ee baarlamaanka ay u yeereen madaxda dowlada si ay ugu diraan Asmara wafdi xaqiiqa raadis ah si baaritaan loogu sameeyo.”

Arrintaan ayaa kusoo  aadeyso xilli waalidiinta askarta ay Dowladda Soomaaliya geysay dalka Eretria ay ku jiraan xaalad murugo ah iyadoo inta badan askartaas aan lagu heyn nolol iyo geeri, waxayna waalidiinta muddooyinkii dambe dhigayeen banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego ilmahooda.

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan weli si cad uga hadlin ciidamada Soomaaliya ee tababarka loo qaaday ee aan weli nolol iyo geeri lagu heyn, waxaana xusid mudan in marki ciidamadaas la geeyey Eretariya uu madaxweyne Farmaajo ugu tagay xeryihii lagu xareeyey.

Halkaan hoose ka akhriso qeybta yar ee laga soo bandhigay warbixinta laga sugayo guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay