Caasimada Online, New York Times, CNN, Guardian iyo website-yo kale oo maanta saacado hawada ka baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Website-ka Caasimada Online iyo qaar badan oo ka mid ah website-yada ugu caansan caalamka ayaa saacado hawada ka baxay maanta kadib cilad ku timid shirkadda Fastly.com oo ay wada adeegsadaan

Website-yada hawada ka baxay waxaa ka mid ah kuwa CNN, New York Times, The Guardian, HBO, Reddit, Spotify, Pinterest, Twitch iyo kuwa kale, oo dhammaantood adeegsada adeegga Fastly. 

Fastly ayaa bixisa adeegga loo yaqaan CDN (Content Delivery Network) oo sare u qaada xawaaraha website-ka, waxayna u dhaxeysa shabakadda qofka adeegsanaya website-ka iyo shirkadda marti-gelisay (hosting) website-ka.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay ciladda ku timid Fastly, hase yeeshee qoraal kooban oo ay shirkadda soo saartay ayey ku tiri “Waxaan weli wadnaa baaritaanka arrintan.”

Caasimada Online oo isku dayday inay xaliso ciladda ku timid website-ka ayaa markii ogaatay inay la xiriirto Fastly waxaba ka qaban weysay, waxaana ku qasbanaanay inaan sugno si la mid ah website-yada kale ee caalamka, waana kaga cudur daaraneynaa aqristayaasheena. 

Caasimada Online ayaa hawada ka maqneyd ku dhowaad laba saac, waana muddadii ugu dheereyd ee ay na qabsato cilad intaas la eg, shanti sano ee ugu dambeysay.