Midowga Murashaxiinta oo saddex isbaheysi u kala jabay 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay u kala jabeen ilaa saddex qeyb ama koox waxaana lagu sheegay sababta kala qeybisay ay tahay arrimo la xariira arrimaha doorashada. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa dhinacyadaan ay isugu dhawaadaan qabiil ahaan iyo qaar isugu dhawaaday isbaddel doon dhiig cusub ah ama siyaasiin cusub ah. 

Murashaxiinta kala ah Maxamed Siiriin, Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr. Cabdinuur Maxamed ayaa la sheegay in sameysteen isbaheysi cusub kadib kulan ay dorraad ku yeesheen Nairobi. Murashaxa kale ee Dr. Cabdinaasir Cabdulle oo kulankaasi qeyb ka ahaa ayaa la sheegay in uu ka cudurtaaday isbaheysigaas inkastoo uu ku jiro mid kale. 

Sidoo kale siyaasiga Daahir Sheekh Maxamuud Geelle, Dr. Cabdinaasir Cabdulle, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankooda sameestay isbaheysi cusub, halka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre ay dhankooda noqdeen isku dhinac. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu ka cudur daartay isbaheysi cusub oo laba jeer loo soo bandhigay waxaana la sheegay in uu kaligiis yahay Murashax taagan inkastoo uu ugu dambeyn ku qasbanaan doono in uu isbaheysi sameesto. Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ah Murashax kaligiis taagan oo aan isbaheysi qeyb ka aheyn. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Axaddii noqday musharax kaliya ee si cad uga soo horjeestay go’aanka guddiga uu magacaabay Rooble ay 34 xubnood uga saareen guddiga doorashada, isaga oo dalbaday in dhammaan 67-ka xubnood laga saaro, halka inta badan musharaxiinta ay soo dhoweeyeen ama ka aamuseen.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Madaxweyne Farmaajo awooda doorashada Soomaaliya ku wareejiyay Rooble waxaa jiray kala fur furnaan mucaaradka dhaxdiisa ah, maadaama ay soo dhowaatay doorashada, oo musharax kasta uu loolan iskiis ah galayo.