Sawirro: Wasiir Duraan iyo wafdi booqasho ku tegay safaaradda dalka Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka gaadiidka iyo duuliska hawada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta booqday safaarada Soomaaliya ee Itoobiya.

Safaarada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxaa xarunteeda kusoo dhaweeeyay Wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo Safiirka Soomaaliye ee Itoobiya, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir).

Wasiir Duraan ayaa warbixin ka dhageystay Danjire Ilka-jiir, oo uga warbixiyey xaalada safaarada dalka iyo shaqooyinka ay u qabato shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Itoobiya.

Wafdiga Wasiirka ee ku wehlinayay booqashadan ayaa waxaa kamid ahaa Mareeye ku-xigeenka guud ee Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed iyo Agaasimaha guud ee garoomada dalka.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax oo maalmahan howlo shaqo u joogay dalka Itoobiya ayaa kormeer kala duwan ku tagayey xarumaha dowladda ee dalkaas.