‘Qarax ka dhacay guri ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ay ku dhinteen 61 xubnood’

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya, gelinkii dambe ee shalay ayaa tuulo lagu magacaabo Aala-fuutow oo qiyaastii 65-KM dhanka galbeed ka xigta degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa ka dhacay qarax xoog leh oo khasaare culus uu ka soo gaaray Al-Shabaab, sidoo kalena dad shacab ah ay ku dhinteen.

Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen 61-xubnood oo isugu jiray saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, dagaalamayaal kale iyo dad rayid ah, waxuuna ka dhashay gaari weyn oo kooxdu ay ku diyaarineysay waxyaaba qarxa.

Warbaahinta ciidamada qalabka sida oo soo xiganeysa saraakiil militeri ayaa baahisay warka qaraxaan iyo xogta khasaaraha ka dhashay.

Hooyo iyo cunug yar oo ay dhashay oo goobta ka ag dhawaa ayaa la sheegay inay ka mid yihiin 61-da qof ee ku geeriyootay qaraxaas, halka 59-ka kale ay ahaayeen Shabaab, waxaana ku jira ilaa lix sarkaal oo ajaanib ah, sida lagu shaaciyey xogtaan.

Guri ka koobnaa 11-qol oo qaraxyo isugu jira kuwa gawaarida lagu rakibo, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo jaakadaha is-miidaaminta ay ku diyaarinayeen ayaa la sheegay inuu galabta ku burburay qaraxaas, kadib markii uu ku qarxay gaari weyn oo ay qarax ku rakibayeen, waxaana geeriyooday dhammaan xubnihii saraakiisha iyo dagaalamayaasha isugu jiray ee ku sugnaa gurigaas.

Saraakiisha ajaanibta ah ee ku geeriyootay qaraxaas waxaa la sheegay inuu ka mid yahay nin lagu magacaabi jiray Axmed Shariif (Abuu Bilaal) oo u dhashay dalka Afgaanistaan iyo nin magaciisa lagu soo koobay Khaalid oo isna u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo aad ugu xeel dheeraa sameynta qaraxyada ay kooxdu ka fuliso Soomaaliya.

Xaruntaas waxaa la sheegay inay aheyd tan ugu weyn ee qaraxyada lagu diyaariyo oo kooxdu ay ku laheed gobolka Shabeellada Hoose, waxayna saraakiisha militeriga Soomaaliya balan qaadeen in baaritaan kadib ay soo gudbi doonaan xog dhameystiran oo ku saabsan qaraxaas ka dhacay duleedka degmada Qoryooley.