Mucaaradka Turkiga oo baarlamanka ka dalbaday baaritaan la xiriira Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa laga dalbaday inuu baaritaan deg deg ah ku sameeyo eedeymo ka dhan ah shirkad kamid ah qandaraasleyda gacansaarka dhow la leh madaxwayne Recep Tayyip Erdogan oo laga yaabo inay ka dhaceen dalal ay kamid tahay Soomaaliya.

Codsigaan ayaa waxaa baarlmaanka dalkaas u gudbiyey Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CPH, wuxuuna codsigaas yimid kadib markii ay soo baxeyn eedeymo ah in SADAT International Defense Consultancy ay maleeyshiyaad ku tababarto dalka Suuriya.

Eedeymaha loo jeediyey shirkaddaan ayaa waxaa kamid ah inay taageero qalab iyo mid tababar ay siisay Jabhadda Al-Nusra Front oo ka dagaalanto gudaha dalka Suuriya taasoo xiriir dhow la leh ururka Al-Qaacidda.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga CPH, Unal Cevikoz ayaa qoraalka loo gudbiyey baarlamaanka dalka Turkiga ku sheegay in tallaabooyinka ay qaaday shirkaddaas ay xadgudub ku yihiin shuruucda Qaramada Midoobay iyo guud ahaan kuwa Caalamka.

Guddoomiyaha Xisbiga CPH ayaa baarlamaanka dalkaas ka codsaday in baaritaanka lagu daro haddii Shirkadda SADAT International Defense Consultancy ay tababaro military ka sameyso dalalka Soomaaliya, Suuriya iyo Liibiya.

“Xisbiga CHP wuxuu rabaa in dadweynaha lala socodsiiyo arrimaha SADAT iyo in la baaro dhammaan howlaheeda milatari ee caalamiga ah, haddii ay tababaro milatari ku bixisay dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Liibiya iyo Soomaaliya, iyo haddii ay dirtay hub sharci darro ah oo jabinaya shuruucda  Golaha Amniga ee Qaramada Midoobaya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirkada SADAT ayaa bixiso talooyin dhanka istaariijiyadda iyo taageerada xoojinta ciidanka, waxaana la sameeyey shirkadda sanadkii 2012.

Shirkadda ayaa waxaa aas-aasay Adnan Tanriverdi oo ah Jeneraal howlgab ah, wuxuuna sidoo kale ahaa la taliyihii Erdogan ee arrimaha Militariga intii u dhaxeysay sanadihii 2016 illaa 2018, waxaana u shaqeeyo illaa 200 oo saraakiil howlgab ah.

Inta badan saraakiisha howlgabka ah ee ka tirsan Shirkadda SADAT ayaa waxaa la rumeysan yahay inay markii hore shaqadooda ku waayeen sababo la xiriira daacadnimadooda diinta Islaamka.

Dowladda Turkiga ayaa Muqdisho waxay ka dhistay saldhig weyn oo ciidan kaas oo ay ku tababarto ciidamada Milatariga Soomaaliya gaar ahaan ciidamada loo yaqaano Gorgor kuwaas oo loo diyaariyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.