Xog: Sida uu mucaaridka Somaliland u kala qeybsanayo kuraasta cusub ee golayaasha

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa bilaabay kulamo looga arrinsanayo xilalka sarre ee golaha deegaanka iyo wakiilada, kadib markii ay dhawaan ku dhawaaqeen Isbaheysiga cusub oo siyaasadeed.

Sida ay Caasimada Online u sheegen mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan labada xisbi, hogaanka Waddani iyo Ucid ayaa isku raacay inay kala qeybsadaan maayirka Hargeysa iyo guddoonka golaha wakiiladda.

Xogta ayaa sheegaysa in Xisbiga Ucid uu qaadanayo maayirka caasimada Somaliland ee Hargeysa, halka uu xisbiga Waddani isagna uu qaadanayo guddoonka golaha wakiilada, waxaana socda shirar looga hadlayo arrintaas.

Guddiga ay labada xisbi u magacaabeen isbaheysigan cusub ayaa durtaba bilaabay kulamo uu ku qancinayo musharaxiinta labada xisbi ee kal hore isku soo taagay xilalka ay heshiiska ka gaareen hogaanka sarre.

Dooda ugu adag ayaa xiligan waxay ka taagan tahay sidii loo qancin lahaa Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge iyo qaabka shacabka reer Hargeysa looga dhaadhicin lahaa in maayirnimada caasimada Somaliland ee Hargeysa loo doorto shaqsi kale oo ka socda xisbiga Ucid.

Cabdikariin Axmed Mooge oo kamid ahaa musharaxiintii dhawaan kusoo baxday doorashada golaha deegaanka oo ka sharaxnaa Waddani, ayaa waxaa u codeeyay dad ka badan 26-kun oo qof, wuxuuna ololihiisi doorashada ku galay inuu u taagan yahay xilka maayirnimada caasimada, midaasi oo shacabka reer Hargeysa ugu hiiliyeen codadka qeyrul xadka ah.

Cabdikariin Mooge oo si weyn u hantay quluubta dadka reer Hargeysa, islamarkaana kusoo baxay codad ka badan afar jibaar kuwa musharaxiinta kale, ayaa xiligan wajahaya culeys uga imaanaya Isbaheysiga cusub ee xisbiyada mucaaridka.

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxay sanadihii u dambeeyay la daala dhaceysay duruufo kala duwan, ha ugu horeeyan jidad xumi iyo dayac dhanka arrimaha bulshada, taasi oo ay si weyn uga gaabisay dowladda hoose, waana sababta la rumeysan yahay in shacabka reer Hargeysa ay codad xad dhaaf ah ugu rideen Cabdikariin Axmed Mooge oo u taagna maayirnimada caasimada.

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa u arka tallaabada ay qaadeen labada xisbi mid wax u dhimi karta kalsoonida curdinka ah ee shacabka ka qabo in codkooda wax ku bedeli karaan oo la ixtiraamayo, iyagoona ku doodaya in arrintaas gef ku tahay 26-ka kun ee 31-kii May u galay safafka dheer sidii ay codkooga ugu bedeli lahaayen hogaanka fadhiidka noqday ee caasimada.

Si kastaba, waxaa weli socda kulamada uu isbaheysigu uga arrinsanayo sidii labada xisbi u kala qeybsan lahaayeen hogaanka, islamarkaana meesha looga saari lahaa in xisbul xaakimka Kulmiye uu hal kursi ku yeesho degmooyinka Somaliland.