Taliye Xijaar oo amar dul dhigay ciidamada booliiska

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo u warramayey warbaahinta ayaa amar culus dul-dhigay ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ku sugan baraha koontaroolada.

Taliye Xijaar ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Booliska Soomaaliyeed looga baahan yahay inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, xilliyada ay ku jiraan howlahooda shaqo, maadaama ay wakiil ka yihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay u yihiin adeegayaal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay inay wada-shaqeyn buuxda yeeshaan ciidamada Booliska iyo shacabka, si looga hortego falalka liddiga ku ah amniga dalka.

”Ciidanka Booliska meel kasta oo uu joogo waxaan amrayaa inay shacabka wakiilka ka yihiin si wanagsan ula dhaqmaan, suuqa, Koontoroolada, saldhigyada, laamiyada, Boolisku wuxuu yahay ilaaliyaha Shacabka,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ciidamada ammaanka ay wadaan howl-gallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga Caasimada, maadaama la galayo doorasho.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddooyinkii dambe ay cabasho xoogan ka soo yeereysay shacabka ku dhaqan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo ka cabanaya dhibaato ay ku hayaan ciidanka ku sugan koontaroolada ku yaalla Muqdisho.

Si kastaba amarka kasoo baxay taliyaha Booliska ayaa ah mid looga jawaabayo qeylo dhaaanta shacabka oo isa soo tareysay, waxaana kusoo aaday, xilli loo baahnaa.