Ciidamada Danab oo howl-gal qorsheysan ku qabtay xubno ka tirsan AlShabaab

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-galka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Boorow oo ay ku sugnaayeen dagaalyano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkan lagu qabtay xubno ka tirsan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, isla-markaana u qaabilsanaa uruurinta lacagaha ay ugu yeeraan Zakawaat-ka.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in weli howl-galka uu socday, isla-markaana ujeedkiisa uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka oo dhan.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaanka Cali Boorow oo howl-galka qorsheysan ay ka fuliyeen ciidamada Danab.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo la xiriira howl-galkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan yare degan, balse waxaa dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi, maadaama ay dhaq-dhaqaaqyo wadaan labada dhinac.

Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha sida weyn ugu xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, iyada oo weeraro qorsheysan iyo qaraxyo kasoo abaabusho gobolkaasi.