Dhoobo-Daareed oo war xasaasi ah kasoo saaray doorashada Somaliland

 Ceerigaabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyey cida is hortaagtay in doorashada Somaliland ay ka dhacdo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya oo isku hayaan Somaliland iyo Puntland.

Dhoobo-Daareed ayaa marka hore beeniyey sheegashada Puntland ee ah inay ka hortegtay in doorashada Somaliland lagu qabto deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolkaasi, isaga oo sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay warka kasoo baxay xukuumadda Garoowe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in doorashadaasi ay iska diideen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Sanaag, isla-markaana ay mudan yihiin in lagu boggaadiyo.

“Puntland kamay celin doorashada Somaliland dhulka Maakhir ee dadkaa diiday oo ku amaanan” ayuu yiri Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed).

Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay sii adkeeyaan mowqifkooda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan deegaanada Somaliland oo gobolka Sool uu ka mid yahay ay ka dhacday doorashada golaha wakiilada iyo tan deegaanka ee maamulkaasi, taas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan hal milyan oo qof oo codadkooda dhiibtay.

Si kastaba labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa isku haya deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, iyaga oo marar badan ku dagaallamay gobolladaasi.