Xog: Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Rooble la wadaagay arrin aysan ku qanacsaneyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyeen cabasho ay ka qabaan sida ay baarista u sameeyeen guddigii heerka wasiir ee loo saaray kala saarista xubnaha guddiga doorashooyinka ee cabashada laga qabo. 

Labadaan Madaxweyne oo sidoo kale Murashaxiin ah ayaa qoraalka ay u gudbiyeen Maxamed Xuseen Rooble waxay kaga aragti dhawaayeen hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasi oo ahaa in guddiga ay wali ku jiraan xubno ka tirsan ciidanka NISA iyo taageerayaasha Farmaajo. 

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in ay cabasho ka ahaayeen in liiska guddiga oo ay ku wareejiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la faafiyay iyadoo aysan ballantu sidaas aheyn. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan wax wadatashi ah laga yeelan qaabka baarista islamarkaana aan lala wadaagin natiijada ka hor inta aan la shaacin, iyagoo qoraalkooda ku dalbaday in dib u eegis markale la sameeyo si loo helo doorasho aan boob aheyn. 

Shaacinta liiska ayaa loo arkaa qorshe looga hortagayo in gadaal laga faro-geliyo liiska, ayada oo la tuhmayo inay ka dambeyso Villa Somalia, si mucaaradka looga dhigo kuwa cabasho joogto ah wada.

Shariif iyo Xasan Sheekh iyo Murashaxiin kale oo ka tirsan Midowga Murashaxiinta ayaa wali ka hadlin arrintaan waxaana la sheegay in qaarkood ay si hoose u gudbiyeen cabashadooda. 

Sababta aysan Xasan iyo Shariif si shaacsan uga hadal arrintan ayaa lagu sheegay inaysan dooneyn inay culeys siyaasadeed saaraan Rooble, oo ay u arkaan nin wax badan ka qabtay arrimihii la isku hayey, balse ay rabaan in wax walba hab hoose lagu xaliyo.