Farxaan Qaroole oo tallaabo qaaday kadib muuqaal sir ah oo laga soo duubay wadada Afgooye iyo Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) –Taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa maanta kormeer ku tegay qeybo ka mid ah wadada xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo tan iyo markii la dhisay ay dadka isticmaala ka cabanayeen isbaarooyin xad-dhaaf ah, jir-dil iyo dhac ay kula kacayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa dadkii ku sugnaa goobaha uu tegay waxa uu sheegay in maalmaha soo socda dib loo furayo wadada oo haatan aysan isticmaalin inta badan gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo deegaanada koonfur ka xiga, illaa gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka ku nool inta u dhaxeysa Ex Control Afgooye ilaa deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa la sheegay inay wajahayaan dhibka ugu badan, waxayna qaarkood warbaahinta u sheegeen in xataa meydka ay garabka ku qaataan.

Gaadiidka kaliya ee inta badan loo ogolyahay inuu isticmaalo wadadaas waa mootada Labalooleyda ah ee FEKON, taas oo darawallada dadka ku qaada ay aad uga cabanayaan jir-dil iyo isbaaro xad-dhaaf ah.

Taliye Farxaan Qaroole ayaa maanta amray in la furo jidadka yar-yar ee gudaha u gala xaafadda Galmudug, kuwaas oo ka leexda wadada laamiga ah ee dhawaan la dhisay, waxaana tallaabadaas ka mahad celiyey qaar ka mid dadka ku nool xaafadaas oo warbaahinta la hadlay.

Tallaabadaan uu maanta qaaday Farxaan Qaroole waxay ku soo aaday saacado kooban kadib markii ay Idaacadda Kulmiye baahisay warbixin loo diyaariyey qaab qarsoodi ah, taas oo ka shiftay dhibaato baahsan oo shacabku ay ku qabeen isticmaalka wadadan dhawaan laamiga la saaray.

Warbixinta Kulmiye waxaa laga dhex maqlayaa askarta oo lacag ku xujeyneysa wadayaasha gaadiidka, iyagoo ugu hanjabaya in aysan ka qaadi doonin kharash ka yar inta ay ka dalbadeen.

Hoos ka daawo labada warbixin