Taliye Cusmaan Xaadoole oo soo saaray digniin culus

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha ee maamulka HirShabeelle Korneyl Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) ayaa diginin xooggan loogu diray Maraakiibta Kalluumeysi ee shisheeye iyo kuwa wata calanka Soomaaliya, kuwaasoo dhamaantood heysan shatiga ama ruqsadda maamulka. 

Qoraalka ka soo baxay taliyaha ayaa lagu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono Markab kasta oo arrintaan isku daya ama hadda ku howlan, iyadoo loogu baaqay in ay dhaqso u raadsadaan shatiga maamulka. 

“Waxaa sii kordhaya Maraakiibta Kalluumeysi ee xeebaha Maamulka HirShabeelle ku sugan islamarkaana aan heysan fasax maamulka ah, iyagoo xeebaha ka wata howlo ballaaran, haddaba wixii ka dambeeyo lama aqbali doono,” ayaa lagu yiri qoraal taliska ka soo baxay oo ay heshay Caasimada Online. 

“Waxaan rabaa inan ku celiyo in dhammaan dadka jabiyay sharciga in la xiri karo oo dacwad lagu soo oogi karo ayagoon lasiinin digniin hore, waxayna la kulmi doonaan ciqaab dambiyeed haddii lagu helo dambi,” ayuu yiri Cusmaan Xaadoole. 

“Waxaa intaas sii dheer, macaamilka iyo duruufaha shaqo ee ay helaan shaqaalaha saaran maraakibta in si joogta ah loo aqoonsado inay yihiin mid kuwo bani’aadannimada ka baxan oo tacaddi ah. Qolyaha la ogaado inay ka masuul yihiin abuurista xaaladahan adag ku talo gal ha ahaato ama yeysan ahaanine waxaa loo heysan doonnaa (will be liable) gelitaanka xad gudubyo xuquuqda bani’aadamka ah sida uu qabo xeerka caalamiga ah.”

Hoos ka aqriso qoraalka ka soo baxay taliska ilaalada xeebaha ee Maamulka HirShabeelle.