Qoys Soomaali ah: Wax aan la arkin oo mucjiso ahaa ayaa gowraca arigeena

Garoowe (Caasimadda Online) – Deegaanka Yoonbays oo 100 Km u jirto Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa lagu arkay mucjiso ka yaabisay dhammaan dadka dagan halkaas.

Mucjisada ayaa lagu arkay gurig halkaas ku yaal oo ay dagan yihiin qoys xoolo dhaqato ah kuwaas oo sheegay in xoolahahooda ay gowracayaan wax aan la arkeyn taasoo qoyskaas ku abuurtay argagax weyn.

Aaba qoyskaan oo lagu magacaabo Cabdiweli Faarax Warsame oo la hadlay Idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in arigooda gaar ahaan waxaraha yaryar ay gowracayaan wax aan la arki karin.

Aabaha qoyskaas ayaa sheegay in ariga qaar kamid ah laga jaray dhagaha, Naasaha iyo Lugaha isla markaasna aysan marnaba u jeedi karin cidda gowraceyso.

Mucjisadaan ayaa waxay qoyskaan la kulmayaan muddo Shan Maalin ah, wuxuuna Aabe Cabdiweli BBC u sheegay  “Arigu wuu bireysan yahay; wax aan la arag ayaa bireynaya. Neefka waxa loo gowracayaa sida dadka caadiga ah ay u bireeyaan”.

Arrinta ugu yaabka badan oo uu Aabe Cabdiweli sheegay ayaa ah in neefka oo bireysan la geeyo guriga ama qeyb kamid ah lasoo gooyo oo loogu geeyo gurigooda.

“Waxa soo qaadaya lama arki karo. Waxaa la arkayaa neefkii oo guriga iriddiisa yaalla ama isagoo saxamada ama digsiyada ku dhex jira, ama dabka saaran.”

Ugu dambeyntii Cabdiweli ayaa BBC u sheegay in shalay ay seddax neef sidaa noqdeen, xalayna laba, saakana mid kale welina ay jirto cabsi ku aadan in kuwa kale la gowraco.