Qoyska gabar Hindi ah oo lagu qabo Somalia oo ka cabanaya arrin haysata

Hyderabad (Caasimada Online) – Haweeney Hindi ah oo ka timid magaalada Hyderabad, taasi oo ku nooleyd Soomaaliya tan iyo sanaddii 2013, ayaa reerkeedu ay ka cabanayaan inay dhibaato kala kulmeyso qoyska ninkeeda.

Mohammad Wahiuddin, oo la dhashay haweeneydan oo lagu magacaabo, Mohammedi Begum ayaa sheegay in dumaashiyaalkeed aysan siin wax cuno ah oo ku filan.

“Walaashey Mohammedi Begum waxay ay sanaddii 2003 magaalada Hyderabad ku guursatay Soomaali lagu magacaabo Sayid Xasan Ibraahim, waxayna nala noolaayeen 10 sano” ayuu yiri Wahiuddin.

Sida uu sheegay, waxaa tobankaas sano ilaah siiyey saddex wiil iyo laba gabdhood.

“Sanadii 2013, walaashey ninkeeda ayaa u sheegay inuu doonayo inay Somalia aado, oo caruurta ay soo tusto qoyskiisa, waxayna baxday bishii April ee 2013. Sayid wuxuu kusii nagaaday Hyderabad, oo uu sanad ku noolaa, wuxuuna kadib u dhoofay Mareykanka.

“Walaashey iyo caruurta ayaa tan iyo markaas ku xanibnaa Soomaaliya, waxayna wajahayaan dhibaatooyin badan. Waxaa jir dila dumaashiyaalkeed, mana helaan cunto ku filan” ayuu yiri Mohammad Wahiuddin.

Mohammad Wahiuddin ayaa ugu baaqay wasiirka arrimaha dibedda India Shushma Swaraj iyo safaaradda India ee Soomaaliya inay arrinta faro-geliyaan oo ay soo bad-baadiyaan walaashiis, oo ayada iyo caruurta dib ugu soo celiyaan India.

Caasimada Online
Xafiiska Hyderabad
Caasimada@live.com