Sirdoonka Turkiga oo soo bandhigay xog ku saabsan taleefonka Bin Salman iyo dilka Jamaal Khashoggi

Ankara (Caasimada Online) – Sirdoonka Turkiga ayaa jidka u galay 14 wicitaan oo uu Al Qaxtaani ku sameeyay boqorka iyo wiilkiisa maalintii la dilay wariye Jamaal, 5 ka mid ah wicitaannadaas waxaa ay ku socdeen xafiiska Maxamed Bin Salmaan, waxaana ka mid ahaa in Qaxtaani sheegay in faraha Jamaal loo diray Boqortooyada si loo xaqiijiyo guusha in la dilay Jamaal.

Sidoo kale, Sirdoonka Turkiga ayaa dhexda u galay Wicitaan dhinaca Skype-ka ah oo dhexmaray dhaxal suge salmaan iyo Sucuud Al-Qaxtaani oo ahaa Taliye ku xigeenka sirdoonka Sucuudiga  loona heysto in uu yahay dilaaga Wariye Jamaal.

Waxaa kale oo ay sirdoonka heleen muuqaal la duubay intii dilka socday,waxaana ka mid ah in jirka Jamaal laga dhigay 15 Cad ama Gabal laguna riday Boorsooyin.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan astaamo xooggan oo muujinaya in dilka suxufigii Sacuudiga ee Jamal Khashoggi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana loo fuliyey ‘si aad u fool xun”

Isaga oo xubno ka tirsan xisbigiisa AKP kula hadlayey baarlamanka, ayaa Erdogan waxa uu sheegay inuusan ku qanacsaneyn sheesgashada Sacuudiga ah ee ah in xubno ka tirsan sirdoonka dalkaas oo kaliya ay ka dambeeyaan dilka.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay diyaarinta qorshaha dilka billaabeen dabayaaqadii bishii September ka hor inta aan Khashoggi la dilin labadii October.

Hadalkiisa ayaa waxa uu burinayaa kan Sacuudiga ee ahaa in Jamal Khashoggii uu ku geeriyooday dagaal si lama filaan ah uga dhacay qunsuliyadda.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com