MADAX GOBOLEEDYADA: Madax hal cudur wadaaga

Madaxda Maamul Goboleedyada waxay wadaagaan hal cudur oo aad iyo aad khatar u ah kaasoo lagu soo koobi Karo kursi jeceyl, waana cudur runtii halis ku ah deganaanta dalka. Waxaa ka muuqata inay diyaar u yihiin in dalka oo dhan lagu kala guuro mar haddii iyaga laga qaado xilalka ay hayaan. Adduunyada waxay ugu neceb yihiin inay maqlaan  erayga DOORASHO oo xasaasiyo xun ku haaya kulligood.  Waxaa la soo gaaray xilli gobollada oo dhan ay doorasho u madlan yihiin, qaarkood waa laga xayuubiyay magaci Madaxweyne waxaana la doortay maamul kale oo beddelaaya Xaaf.

Haddaba, marki arrinti halkaas mareyso ayuu billaabay  maamule Xaaf inuu handado  dowladda dhexe asagoo dhahaaya Xamar aan deb ku qabaheynaa!!! Waa nin aan Cadaado tegi Karin.

Tanoo kale waxay ku soo socotaa Shariif Xasan oo meelo badan looga soo duulay si uu ku badbaadana ay tahay mucjiso u baahan inuu la soo baxo caqli iyo tabo ka duwan kuwi uu hore u adeegsan jiray. Axmad Madoobe waxaa ka soo bixi doona mar dhaw maqaalki ahaa dhambaalka. Waxaa mudan in la isweydiiyo maxaa nimankaan meesha ku dhejiyay oo aysan marna oggoleyn in taladu ay meerta naqato oo qofka mar la tijaabiyo, mase waxay isu heystaan inaan la heli karin dad iyaga ka baddela booska…mase waxay isu heystaan inay yihiin AABIHII UMMADDA oo cidna aysan la baratami karin…sidi Jaalle Siyaad!!!

Waxaa jirtay in bilawgii kacaanka la sameeyay mahrajaanki ugu horreeyay ee ay dhigeen dugsiyadi Xamar uu wasiirkii waxbarashada Cabdirazaaq Max/uud Abubakar uu soo saaray kalimadda Aabihii Umadda..lakin Jalle Siyaad waa gartay waxa loola jeedo, waana  kuqoslay asagoo dhahaaya waa beentiis….Marki dam,be Jaalle Siyaad wuxuu gaaray in qofki aqoonsan waayay inuu yahay aabihii umadda loo arko kacaan diid!!!  Hadalki Cabdirasaaq waa hirgalay, waana la wada qaatay.

Waxaan soo xasuustay filim aan waa hore galnay oo uu attore ka ahaa Jack Plance oo jilaayay dooraka L’uomo che vola oo ahaa ninka duula. Sheekadu waxay ahayd qarnigii 18aad markaasuu wuxuu sameystay baalal waaweyn oo lagu buubi karo..wuxuu dhigi jiray bandhigyo oo loo dawasho tago oo madaxda Yurub oo dhan ay imaan jireen..magaciisi aad ayuu can u naqday waxuuna kasbaday taageero iyo hanti fara badan. Waxaa la shaqeeya nin saaxibo yihiin oo qalabka oo dhan diyaariya asaguna uu aad u aaminsan yahay.

Maalinti dambe wuxuu shaaciyay inuu dhigaayo bandhig lala yaabo asagoo kasoo duulaaya Minaarad ( torre) caan ah,(magaciisi waa illaabay, laga yaabe inuu ahaa Torre di Pisa) kaasoo boqorradi Yurub badankoodi ay yimaaden…saaxibkiis ayaa u sameeyay farsamo cusub oo aan loo jeedin xiriga celihaaya markuu soo boodo kana dhigaaya sidi qof duuleysa oo kale. Markii la isu yimid oo dadki oo dhan ay ku qaylinayaan VOLA, VOLA oo ah soo buub ayuu saaxibkiis ku soo jeestay marki saacadi la gaaray una diyaar garoobay kuna istaagay meshi uu ka boodi lahaa..markaasuu yiri “xirigaan iga fur aniga waa buubaa”, saaxibliis waa yaabay markaasuu yiri “ war ma buubi kartida naftaada ha halligin anigana ha I dhaafsiin xoogaaga aan meesha ka helo..dadkaanu waa ogyihiin inaadan duuli karin ee riwaayadaa ay iska rabaan inay ku madadaashaan”…waa ku adkeystay..wuxuuna yiri     “dadku waa aaminsan yihiin inaan buubi karo ee adiga maxaad ii xasdee xiriga iga fur..saaxibkiis asagoo yaaban ayuu ka furay marakaasuu soo booday,nasiib darro sidi qare ow u burburay..markaasaa la yiri “ non ha volato” MA DUULIN”!!

Maamuleyaashi gobollada waxay rumeysteen inay yihiin MADAXWEYNE waana waxa khatarta ka dhigaya jiritaanka MAAMUL GOBOLEEDYADA. Waxaan ku tali lahaa magaca ha laga beddelo hana loo bixiyo Maamule iyadoo laga reebaayo erayga DOWLAD OO MEEL XUN U JIIDAY AMA LA AADAY DADKAAN DEREJADA U OOMAN. Bal ha lagu tijaabiyo haddii ay ku sabraayaan magaca cusub ee maamule gobol.

Aan ku soo xirno hal-ku-dheg madadaalo ah (joke) ee ku saabsan Jalle Siyaad.  Wuxuu booqasho ku tegay isbitaalki lazaretti ahaana manicomio oo dadka waalan lagu xanaaneyn jiray. Markaasaa nin ka mida dadka meesha ku jira aa qosol lagu celi waayay, markaasaa la yiri maanta maxaa kaa qosliyay? Wuxuu ku jawaabay maalinti la I keenaayay waxaa I weday laba nin iyadoo la ii geliyay ( Camicia forte),   ( oo ahaa shaar loo geliyo dadka caniifka oo gacanaha wax ku halleeya.) Wuxuu yiri ninki waalnaa “manta aa nin iga daran la keenay oo ay afar ninoo aad u hubeysan ay wadaan..markaasuu weliba qoslaa, manta aan khatar ku jirnaa, annagoo dhanow na dilaa” !!!

Jaalle Siyaad bukaanki oo dhan aa loo soo safay markaasaa la yiri “Heesta Guulwade-na waa yaqaaniin..markaasaa la yiri ku dhufta Guulwade… Guulwadow Siyaad Aabihi garashada…Jaale Siyaad wuxuu arkay nin meel gees ah taagan oon heysta qaadeynin, markaasuu weydiiyay  ” Ninkaan maxaa ku dhacay uu heesta u qaadi waayay”? Markaasaa la yiri “Ninkan waa reystay waana ladnaaday berri ow baxaa aa la yiri”!!! Jaalle Siyaad waa oggolaaday. Jaallaha waa ka hoos baxday inuu weydiiyo ”WAR HEESTA MA WAXAA QAADA DADKA WAALAN OO KALIYA!!!

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid