Donald Trump oo shaaca ka qaaday kaalinta Maxamed Bin Salman ee dilka Jamal

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadalkaas ku sheegay Wareysi uu siyay The Wall Street Journal, waxa uuna markii ugu horeysay tilmaamay in dhaxal-sugaha Sacuudiga ee awooda badan uu ku lug lahaa howlgalkii lagu dilay Jamal Khashoggi.

Mar wax laga weydiiyay suurtagalnimada in Amiir Maxamed Bin Salman ku lug lahaa dilka Jamal Khashoggi ayuu sheegay inuu si dhow arrintaas u weydiiyay dhaxal-sugaha haddii ay wax ka jiran arrintaas.

“Su’aasha ugu horeysay ee aan weydiiyay isaga waxa uu ahaa wax maka ogtahay heerarka uu soo maray qorshahaas” ayuu yiri Trump waxa uuna Bin Salman sheegay inuusan waxba ka ogeyn heerarka uu soo maray qorshahaasi.

Trump mar uu wax ka weydiiyay dhaxal-sugaha halkii ay ka bilaabatay qorshahaasi wuxuu sheegay inay kasoo bilaabatay heerar hoose.

Madaxweyne Trump mar wax laga weydiiyay beeninta Sacuudiga ayaa waxa uu aamusay waxyar waxa uuna yiri “Aniga waxan doonayaa inaan rumeysto iyaga. Mar labaad waxa uu ku celshay eraygaasi oo kale”

Trump, hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweynaha Turkiga uu faahfaahin ka bixiyay dilka Jamal Khashoggi iyo macluumaadka ay ka hayan.

Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo waxa uu isagana sheegay in isaga iyo Madaxweynuhuba ku faraxsaneyn dilka Jamaal, isla markaana ay sii wadi doonaan fahanka danbiilayaasha mas’uulka ka ah dilka.

Waxa uu intaa ku daray inay xayiraad dhinaca Fiisaha ah kusoo rogeen 21 Saraakiil Sacuudiyan ah oo ku lug lahaa howlgalkii lagu dilay Saxafiga.

Waxa uu intaa ku daray in dowlada Sacuudiga uu kala hadlay arrintasi isla markaana falkaasi uu yahay mid aad u xun.

Xigasho” The Wall Street Journal