Diyaarad dawo siday oo ay dirtay DF Somalia oo laga soo celiyey Laas-caanood

Laas-Caanood (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Magalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarada Ocean Airline loo diiday in ay ka degto Garoonka diyaaradaha Magaaladaas.

Diyaaradaas ayaa waxa ay sidaydawooyin loogu talo galay dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhumay iyo in sidoo kale ay qaado dhaawacyada qaarkood.

Wararka ayaa tibaaxaya in sidoo kale diyaarada la doonayey in lagu soo qaado qaar kamid ah dadka dhaawacyada culus  kasoo gaaray dagaalada dhawaanahaan ka socday Deegaanka Dhumay ee Sool.

Warar ayaa waxa ay sheegayaan in Deeqdaas Dawada ah ay dhiibtay Dowladda Federaalka Soomaaliya ,balse Diyaaradii siday loo diiday inay ka degto Garoonka diyaaradaha Magalada Laas-Caanood.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Laas-Caanood ee Somaliland ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan diidmada Diyaarada Ocean Airline ee dawooyinka u siday Magalada Laas-Caanood .

Ilaa iyo hada  ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo ku aadan is hor istaaga lagu sameeyey diyaaradaan daawooyinka waday.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalka Weyn ee ku yaalla Waqooyiga Magalada Gaalkacyo Dowlad Goboleedka Puntland,waxana weli la ogeyn halka ay aaday diyaaradii laga celiyay Garoonka Magalada laas-Caanood.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com