26.8 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Qoyska wariye ka tirsan SONNA oo lagu dilay duqeyn ay fuliyeen Mareykanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Jilib (Caasimadda Online) – Duqeymo dad rayid ah ay ku dhinteen isla markaana ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe sida ay qirteen taliska ciidmada mareykanka ee qaaradda Afrika kaas oo loo yaqaano AFRICOM.

Sida xogta lagu helay duqeynta ayaa dhacday horaantii bishaan, waxaana ciidamada mareykanka ay duqeyn u geysteen qoys dagan degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Waxaa la ogyahay in duqeymahaas ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaa la fahamsan yahay in qoyska dhibaatada loo geystay ay isugu yimaadeen iney si wadar ah u casheeyaan.

Tifaftiraha qeybta luqadda Ingiriiska ee wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA Mohamed Osman Abdi oo la hadlayay wargeyska Defense Post ayaa xaqiijiyay in duqeymaha ay mareykanka ka geysteen Jilib ay ku dileen qoyskiisa.

Mohamed Osman wuxuu kaloo sheegay in marka ay duqeymaha ka dhaceen Jubbadda Dhexe laga soo wacay halkaas loona sheegay in duqeymaha lala beegsaday qoyskiisa.

- Advertisement -

Read more

Local News