Qoyska wasiirkii la dilay oo kasoo dagay Muqdisho iyagoo ka dhawaajiyey arrin aad u weyn

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoyska uu kasoo jeedo wasiirkii HCowlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji ayaa shalay kasoo dagay Magaalada Muqdisho, inkastoo ay kasoo daaheen duugista wasiirka.

Xubnahaan ka socday qoyska Marxuumkii geeriyooday ayaa ka kooban ilaa 8 xubno, waxayna kulan hordhac ah la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xubnahaan ayaa ka dhawaajiyey in wiilkoodii si kas ah loo dilay oo aysan jirin wax la yiraahdo qalad, isla markaasna ay dowladda Soomaaliya uga fadhiyaan go’aanka ay ka qaadato arrintaan.

Maanta ayaa la filayaa inay kulan ballaaran qoyskaan la qaataan madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya, iyadoo laga wada hadli doono sida laga yeelayo dilkaan murugada badan ee ka dhacay Muqdisho kaasoo lagu waayey xubin muhiim ah oo ka tirsaneyd golaha wasiirada Kheyre.

Xaaladaan ayaa u muuqato mis halis ah, waxaana laga yaabaa inay saameyn ku yeelato xiriirka Maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe haddii aan la qaadin tallaabooyin adag oo ku aadan falkaan dhacay.

Waxaa la sugayaa go’aanka ay dowladda ka qaadato iyo sida ay u qanciso qoyska uu kasoo jeeday marxuumka geeriyaaday Cabaas Cabdullaahi Siraaji, balse Golaha Wasiirada ayaa xil ka qaadis deg deg ah ku sameeyey Hantida Dhawraha qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale kadib markii lagu soo oogay qodobada soo socdo:

1- Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado

2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.

4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET