Mid ka mid ah raggii loo soo qabtay dilka wasiir Siraaji oo la sii daayey

Laamaha ammaanka, ayaa xabsiga ka sii daayay mid ka mid ah raggii hal habeen ka hor loo soo qabtay dilkii agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somaliya loogu gaystay Wasiirkii Hawlaha Guud ee Xukuumadda, Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.

Laamaha ammaanka, ayaa gacanta ku soo dhigay afar ka mid ah ilaaladii Hanti Dhawraha Guud Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale, oo iyagu lagu eedeeyay in ay dilkan gaysteen.

Hanti Dhawraha oo wax yar uun ka dib dilkaasi la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa xaqiijiyay in laamaha ammaanku ay xabsiga u taxaabeen afar ka mid ah ciidankii ilaalada u ahaa, sababo ku aadan iyagoo baaraya qaabka uu dilku u dhacay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in hadda dilkan loo hayo saddex nin, kuwaa oo sida uu sheegay weli la baarayo.

Wasiirka, ayaa ka gaabsaday in xabsiga laga sii daayay mid ka mid ah raggii loo soo xiray dilka Wasiir Cabaas Siraaji, xilli aynaan weli baaritaanadu soo idlaanin.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in ninka xabsiga laga sii daayay lagu ogaaday baaritaanada socdaa inaanu wax rasaas ahi ridin, sidaasi daraadeedna aan loo baahnayn in uu sii xirnaado.

Hanti Dhawraha oo si adag uga cudurdaartay dilkaasi, ayaa sheegay in uu ku yimid kala shaki soo kala dhex galay ilaaladiisii iyo ilaaladii la socotay Wasiir Cabaas Siraaji.

Wasiir Yariisow, ayaa Saxaafadda u sheegay in Golaha Wasiirada ay isu raaceen in xil ka qaadis lagu sameeyo Hanti Dhawrihii Guud Qaranka, iyadoo markaasi jawaab adag laga bixinayo dilkii Wasiirka.

Hanti Dhawraha, ayaa si adag uga horyimid tallaabada xilka looga xayuubiyay, waxaana uu ka digay in sharciga laga dhigo jaantaa rogan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET