Qunsulka ay Itoobiya usoo dirtay Puntland oo muujiyey xaqiiq aan la qarin karin

Waa yaab iyo dhabana hays! Iyada oo ay bulshada Soomaaliyeed la yaabanayd qunsulkii ay Itoobiya u soo magacowday Somaliland ee darajo ahaan soo noqday safiir wado waaweyn u jooga ayey hadana Puntland mid kale u soo magacowday.

Waxaa jiray sheeko xariiro ahayd in Itoobiya bedeshay wejigeedii siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay qaadatay dhabbe ay ku qadarineyso madax banaanida dalka balse su’aalo badan ayaa ka dhalanaya qunsulada ay u soo direyso Somaliland iyo Puntland.

Maxay tahay ujeedka Itoobiya gaarka ku ah ee aysan qabin Jibuuti, Kenya iyo Eritrea?

Qunsul waxaa dal uu geeyaa magaalo ay dadkiisa ku badan yihiin, oo safaarad aysan ku oolin, sidaas darteedna qunsuliyadda ay qabato adeegyadii shacabka wadankeeda ee martida ku ah dalka kale u baahnaayeen.

Hase yeeshee, ma jiraan shacab Itoobiyaan ah oo jooga Garoowe, ama inta badan deegaanada maamulkaas, marka laga reebo kuwa qaxooti ku ah Boosaaso. Sidaas darteed maxay qabaneysaa qunsuliyadda Itoobiya ee aan ka ahayn arrimo siyaasadeed.

Soomaalida Itoobiya waxa ay uga dano badan yihiin Kenya iyo Jibuuti oo aan ku lahayn qunsullo!

Dhammaan qodobadaas waxa ay xoojinayaa tuhunkii ahaa in Itoobiya DHOOLACADEYNESO ee aysan wax ka badalin siyaasaddeedii Soomaaliya.

Inahaas oo jira waxaan talaabadan ay Puntland ugu soo magacowday qunsulka xaqiijineysaa walow ay horeba ugu lahaan jireen in Itoobiyadii Tigreeyga iyo Midda Oromada wax is dhaama aysan jirin balse ka siman yihiin siyaasada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay bulshada uga warbixiso dhaqdhaqaaqyada Itoobiya iyo waxa ay ka qabto.

Xukumada waxaa sidoo kale waajib ku ah in ay Soomaalida la wadaagto istaraatijiyadeeda siyaasadeed ee ku aadan wadamada Geeska, gaar ahaan Itoobiyada aan la saadaalin karin.

W/Q: Dalmar Xuseen Mire
Boosaaso, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid