R/W KHEYRE iyo wasiiro ‘ku wajahan’ gobolka GEDO

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo safar ku tago qeyb kamid ah Gobolka Gedo oo ay Dowladda Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyey ku daad gureeneysay ciidamo badan.

Safarka Ra’isul wasaare Kheyre ee Gobolka Gedo ayaa waxaa xaqiijiyey Mas’uuliyiin ka tirsan deegaanada Gobolka Gedo, waxaana safarkiisa qeyb ka noqon doono Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Cismaan Nuur Xaaji Macalimow oo ah Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ra’isulwasaare Kheyre, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Gaashaandhiga ay maalmaha soo socdo imaanayaan Gobolka Gedo halkaas oo ay kulamo kula qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Gobolkaas ee taageersan Dowladda.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay ilgaar ah ku heyso Gobolka Gedo,kadib cabasho kasoo gaartey Shacabka, isla markaana Ciidamada ay Dowladda Keentay Gobolka Gedo ay yihiin kuwo ilaalinaya Amniga Xaduudaha.

Safarka Ra’isulwasaare Kheyre ee Gobolka Gedo ayaa imaanayo xilli uu jiro khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe, xilli maamulka Axmed Madoobe uu ku hanjabay inay Dowladda qaadan doonto mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalato ciidamada la geeyey Gobolka Gedo.