R/W Kheyre oo Galmudug u diyaarsaday shaqsi kasoo jeedaa beesha Duduble

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Iyadoo labadii maalmood ee ugu dambeeyay xaalada Galmudug cirka isku shareereyso kadib markii ay magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug gaareen wafdi ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya oo hogaamiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo ay kamid yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Galmudug kasoo jeeda.

Imaatinka Dhuusamareeb ee wafdiga Dowlada Dhexe ka socda ayaa khilaaf xoogan ka dhex abuuray Madaxweynaha xilli howleedkiisa lagu muransan yahay ee Xaaf iyo Madaxda sarre ee Ahlu Sunna Wal-Jameeca, kadib markii uu Xaaf diiday inay wafdigaasi Dhuusamareeb yimaadaan balse madaxda Ahlu Sunna kasoo horjeesatay una sheegeen inay iyaga casuumeen oo ay inaanayaan uuna Xaaf joojin kareyn taasoo dhabowday.

Warar hoose oo Caasimada Online ay heleyso ayaa sheegaya in wafdiga ka yimid Muqdisho uu ku jiray Madaxweynaha cusub ee R/W Kheyre u diyaarsaday inuu Xaaf kadib maamulo Galmudug kaasoo ah Cabdilaahi Faarax Wehliye oo Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Kheyre kaasoo Kheyre iyo Farmaajo u arkaan nin u fulin kara danaha ay ka leeyihiin Galmudug.

Masuulkaan uu Kheyre u diyaarsaday inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug ayaa kasoo jeeda beesha Duduble, waxuuna R/W Kheyre balanta ugu baxay sida la xaqiiyay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo xilligaan ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta kaasoo la saadaalinayay inuu noqon doono Madaxweynaha Galmudug kana soo jeeda Beesha Saleebaan ee Habar Gidir, taasoo lama filaan ku noqotay Siyaasiyiin iyo Shacab badan oo bilihii ugu dambeeyay la saadaalinayay inuu noqon doono Madaxweynaha Galmudug balse balanta looga baxay.

Sababta R/W Kheyre balanta uu ugu baxay Axmed Qoor Qoor ayaa dad ku dhow dhow ku micneeyeen inuu yahay Siyaasi ilaa dowladii Shariif Sheekh Axmed kusoo jiray Siyaasadda isla markaana aad ugu weyn tahay qadiyada beesha uu kasoo jeedo ee Habar Gidir saaxiibo dhowna yihiin Xildhibaanada beeshaasi kasoo jeeda ee Mucaaradka ku ah Xukuumadda Kheyre taasoo keentay inuu Kheyre ka shakiyay haddii Xukuumadiisa ku taageerto Qoor Qoor inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug inuu ku abaal dhaco dibna usoo celiyo Xildhibaanada Beesha Habar Gidir kasoo jeeda oo aysan doonayn in dib loo soo doorto 2021.

Si kastaba ha ahaatee, maalinta Isniinta ee soo socota ayaa la filayaa in caaasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb uu gaaro Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kaasoo la filayo inuu kulan toos ah la yeelan doono Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan isla markaana Wiilkiisa  Cabdisamad Macalin Maxamuud xil Wasiir laga siiyo Xukuumadda Kheyre sidoo kalene Gabar uu Macalinka dhalay Safiirada Soomaaliya u fadhisa Kampala loo magacaabo taasoo kamid ahayd codsigii Hogaamiyaha Ahlusunna isla markaana keentay inay Ahlusunna la saftaan Dowlada Soomaaliya oo ay balamihii ugu baxaan Madaxweyne Xaaf.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com