R/W Kheyre oo la kulmay xoghayaha maaliyadda Mareykanka kadib khaladkii deyn-cafinta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay xogahayaha maaliyadda Mareykanka, kadib markii dowladda Mareykanka ay samaysay khalad meesha ka saari kara qorshihii deyn cafinta Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeyska Foreign Policy, wasaaradda arrimaha dibedda iyo tan maaliyadda Mareykanka, ayaa hilmaamay inay ku wargeliyaan Congress-ka in lacagta lagu taageerayo deyn cafinta Soomaaliya lagu daro miisaaniyadda 2020 ee uu dhowaan diyaariyey congress-ka.

Khaladkaas ayaa meesha ka saaraya in Soomaaliya ay hesho deyn-cafin sanadka 2020, maadaama barnaamijka deyn cafinta Bankiga Adduunka iyo IMF ee HIPC uu u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura, haddii aysan sidaa dhicinna ma shaqeynayo.

Khayre ayaa xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Steven Mnuchin kala hadlay dardar gelinta barnaamijka deyn cafinta iyo dowrka dowladda Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda.

Xubno ku dhow Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka sidoo kale lagu soo qaaday, khaladka dhacay ee uu wariyey wargeyska Foreign Policy, waxaana Mnuchin uu sheegay in xal la heli doono.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed, hase yeeshee khaladka dhacay ayaa dhaawac xooggan gaarsiin kara Soomaaliya.

Dalal dhowr ah ayaa horey u ballan-qaaday inay deynta ka cafinayaan Soomaaliya. Horaantii sanadkan kadib markii ay ku qal-qaalisay wasaaradda maaliyadad Mareykanka, Midowga Yurub, UK iyo Qatar ayaa ogolaaday inay bixiyaan $150 milyan oo ka mid ah $330-ka milyan ee IMF ay ku leedahay Soomaaliya. Sidoo kale, Norway ayaa ogalaatay inay Soomaaliya ka bixiso $360-ka milyan ee uu ku leeyahay Bankiga Adduunka.

Si kastaba, dhammaan dadaalladaas ayaa burburi doona, haddii Mareykanka aanu xal u helin khaldkii ka dhacay, sababtoo ah barnaamijka HIPC ayaa u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura, haddii aysan sidaa dhicinna ma shaqeynayo.