Mo Farah walaakiis oo laga soo masaafuriyey dalka UK

London (Caasimada Online) – Wiil la dhashay cayaaryahan Mo Farah ayaa laga soo masaafuriyey dalka UK, laguna soo celiyey Soomaaliya, kadib markii uu dhamaystay xabsi 4 sano ah oo lagu xukumay.

Ahmed Farah oo 30 jir ah, ayaa waxaa horey loogu xiray weerar mindi loo adeegsaday oo sanadii 2010 ka dhacay xaafadda Southall ee galbeedka magaalada London.

Kadib markii uu xabsiga kasoo baxay ayaa waxaa muddo laba sano ah daba socday Xafiiska Arrimaha Gudaha oo ugu dambeyn u masaafuriyey Somaaliya. Waxa uu hadda sheegayaa inuu doonayo inuu dib ugu soo laabto UK.

Isaga oo la hadlayey wargeyska Daily Mirror kuna suga magaalada Burco ayuu yiri “Waxaan sameeyey khalad weyn, balse maxaa laba goor la iigu ciqaabayaa wixii aan sameeyey. Waxay la mid tahay ayadoo lagu yiri ‘xabsi gal, markaad ka baxdana xabsi kale gal oo ha lagu masafauriyo’” ayuu yiri.

Ahmed Farah ayaa sheegay inuusan muddo 10 sano ah la hadal walaakiis Mo Farah, islamarkaana uusan wax cuqad ah u hayn, balse waxa uu is-weydiiyey in caannimada walaalkiisa ay isaga dhaawacday iyo in kale.

Isaga oo ka hadayey dambiga uu galay, waxa uu sheegay in haddii uu ogaan lahaa waxa dhacaya, uu habeenkii dhacdada ay dhacday uu u fal-celin lahaa si ka duwan sidii uu sameeyey.

Ahmed ayaa la xiray horaantii 2011, waxaana lasii daayey 2014, balse maadaama uusan ahayn muwaadin British ah, waxaa laga qaatay sharcigii.

Ahmed ayaa waxaa mar kale la xiray bishii August ee 2016 waxaana kadib u billowday hanaan lagu masaafurinayo, ayada oo dhowaan dib loogu soo celiyey Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hadda uu la halgamayo nolosha Afrika, kuna nool yahay saboolnimo.