Turkey oo soo eryey markab ay leedahay Israel xilli ay ka sii dartay xiisadda badda…

Istanbul (Caasimada Online) – Ciidamada badda Turkiga ayaa markab laga leeyahay Israel ka qabtay kana soo eryey meel u dhow badda Qubrus, xilli ay kasii dareyso xiisadda ka taagan bada Meditareeniyaanka oo kheyraad badan oo dabiici ah oo lagu arkay.

Markabka oo lagu magacaabo Bat Galim, oo uu leeyahay machadka darasaadka badda ee Israel, ayaa cilmi-baaris ka sameynayey biyaha Qubrus, isaga oo la shaqeynaya mas’uuliyiinta dalka Qubrus, sida ay sheegtay warbaahinta Israel, oo soo xigatay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Israel.

Sida ay sheegeen warbixino, maraakiibta badda Turkiga ayaa la xiriiray markabka Israel kadibna weydiiyey inuu sharaxaad ka bixiyo dhaq-dhaqaayada uu halkaas ka wado, waxaana kadib ay ka dalbeen inuu ka tago aagaas badda Meditareeniyaanka ah.

Dhacdan ayaa timid toddobaad kadib markii Turkey ay Libya la saxiixay heshiis ballaariyey aagga dhaqaalaha Turkiga (EEZ), islamarkaana kusoo daray dhul-badeed ay Greece sheegtay inuu ku jiro xuduuddeeda.

Marka laga reebo qab-weynida qarannimo ee ku jirta dalalkan iyo kheyraadka halkaas ka buuxa, Greece iyo Turkey labaduba ma aysan xadeyn aaggood dhaqaalaha, taasi oo u ogolaaneysa inay dhul-baaxad weyn kheyraad ka raadsadaan.

Qubrus, Israel iyo Masar oo xadeeyey aaggooda dhaqaalaha ayaa helay goob gaas uu ka buuxo oo sare u qaadi kara dhaqaalahooda.

Heshiiska Turkey iyo Libya ayaa ka carreysiiyey dalalka Greece, Qubrus iyo Masar oo dhammaantooda sheeganaya inay xuquuq u leeyihiin gobolka gaaska uu ka buuxo.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyey heshiiska, kuna sheegay mid “ku xadudbaya xuquuqda madax-banaani ee dal kale, islamarkaana aanu waafaqsaneyn xeerka caalamiga ah ee badda.”