R/W KHEYRE oo war ka soo saaray geerida Nuur Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay Allaha u naxariistee geeridii ku timid, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa ra’iisul wasaare hore, kaas oo saaka ku dhintay dalka Ingiriiska.

Khayre ayaa marka tacsi u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay marxuumka oo u geeriday caabuqa Corona.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa marxuumka alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Nuur Cadde waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaare bishii November sanadkii 2007-dii, xilliggaas oo uu dowladda KMG fadhigeedu ahaa magaalada Baydhabo .

Marxuumka ayaa sidoo kale ra’iisul wasaare ahaa tan iyo 2009-kii, ka hor wuxuu muddo dheer madax ka ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.