R/W Kheyre “Yaan mugdi la galin cida ay dusha ka saaran tahay midnimada”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre oo shir muhiima uga qeybgalay magaalada Oslo ayaa sheegay in Somalia ay u bisishahay Nabadda iyo horumarka.

Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu sheegay in Somalia ay kasoo gudubtay kala bar waayihii xumaa, iminkana ay u xuub siibaneyso inay ka dhabeyso himilooyinkeeda.

Waxa uu Kheyre tilmaamay in dowlada Somalia ay awooda ugu badan galineyso sida Umadda Soomaaliyeed looga kaabi lahaa midnimada iyo wax wada qabsiga, waxa uuna meesha ka saaray in dowladu ay u kala soocan tahay dadka ku nool min Muqdisho ilaa Gobolada dalka.

‘’Waxaanu xooga saarnay sida ay isku aqoonsan lahaayen umadda Soomaaliyeed,wixii burburka ka danbeeyay waxaa cagta la galnay is aqoonsi la’aan waanu ku guuleysanay inaan isku geyno shacabka oo aan tusno wanaaga galgacalnimo’’

‘’ Cid waliba oo Soomaali ah ayey dusha ka saaran tahay badbaadinta Qaranka dowlada oo kaliya dusha lagama saari karo waa in loo istaaga badbaadinta Qaranka’’

Ra’isul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre,waxa uu sheegay in Soomaalidu ay ka dhabeyneyso riyadii aheyd ‘’wax wada qabsi iyo is cafis’’ waxa uuna arrinta ceynkaasi ah ku sheegay wadada lagu gaaray isbedelka hadda ka jira Somali.

Kheyre waxa uu ku baaqay in si wada jira loogu istaago dhidiba u taagida Qaranka Somalia, si buu yiri looga gudbo xadadka kala xiray Soomaalida ee ka dhashay burburka ku dhacay dalka.

Geesta kale, Ra’isul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre, ayaa ballanqaaday in mudada ay jirto xukuumadiisa ay ka shaqeyn doonaan sida ugu dhow oo ay ku mideyn lahaayen Soomaalida min caasimad ilaa Gobol.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com