R/W Xamza oo sii adkeeyay digniinta HALIS ku soo socota Somalia + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka kormeerka ra’iisul wasaaraha ayaa ahaa inuu qiimeeyo heerka diyaar-gorow ee digniinaha la xiriira roobabka iyo  fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.

Sidoo kale ra’uusul wasaaraha ayaa inta uu kormeerka ku jiray wuxuu warbixinno ka dhegeystay qaar ka mid ah madaxada iyo khuburada Hey’adda SODMA, isagoo ku booriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta roobabka iyo fatahaadaha ku soo foolle.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in aan dhayalsan digniinaha la xiriira Roobabka iyo fatahaadaha la saadaalinayo, isaga oo shacabka ugu baaqay inay feejignaadaan.

“Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara roobab la rajeynayno in ay ka da’aan dalka, sida lagu ogaaday saadaalo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taas oo na-tusineysa in roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo kamid ah dalka.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan wabiyada jiinkooda, kuwaas oo halis gaara ugu jira daadad xoog leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha webiga iyo dhulalka godan.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Xamza ayaaku booriyey hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalka in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka soo foogan.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan laga digayaa saameyn xoogleh oo ka dhalata roobab dabeylo wata oo kusoo wajahan koonfurta iyo bartmaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo sii billowday, waxayna haatan kasii da’een magaalada Baydhaaba ee xarunta gobolka Baay.