R/W Rooble oo ka jawaabay hadalkii Axmed Madoobe kana dalbaday raali-gelin

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka jawaabay hadal uu Axmed Madoobe maanta ka sheegay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Somalia Partnership Forum, kaasi oo ay kasoo qeyb galeen dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Axmed Madoobe ayaa kulanka ka sheegay in Dowladda federaalka ay ciidamo maleeshiyaad ah geysay Gobolka Gedo, islamarkaana ay ka baxday heshiiskii ahaa inay ciidamadaas ka saarto Gobolkaas ka hor inta aysan dalka ka dhicin doorasho.

“Waxaan ku baaqayaa in ciidanka Jabhadda ah laga saaro Gedo, haddii la rabo in doorasho la qabto,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hase yeeshee, Ra’iisal wasaare oo daba socda hadalkaasi, ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in ciidamada dowladda lagu tilmaamo “Maleeshiyaad”, isagoona shirka maanta ka sheegay inuu ka cudur daaranayo erey bixinta Axmed Madoobe.

“Waxaan ka cudur daaranayaa in ciidamada Soomaaliyeed uu jabhad ku tilmaamo (Axmed Madoobe), Axmed Madoobe waa inuu raali gelin ka bixiyaa hadalkaas sababtoo ah ciidanka jabhad ma ahan waa ciidan qaran,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble.

Jawaabta uu bixiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa aad usoo daahday markii loo eego farqiga u dhaxeeyay labada hadal, waxeyna dadkii goobta ku sugnaa sababtu ku sheegay in Rooble lala soo hadlay kadibna loo sheegay inuu u jawaabo madaxweyne Axmed Madoobe.

Xiisada ka dhex aloosan Axmed Madoobe iyo Madaxda dowladda ayaa sarre u sii kacday kadib markii uu dhawaan ku hanjabay inaysan doorasho ka dhaceyn gobolka Gedo, maadama ay gacanta ku hayso dowladda federaalka.