R/W Rooble oo kulan isugu yeeray madaxda laamaha amniga dowladda + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo laamaha amniga gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa la sheegay in saraakiisha uu la wadaagay qorshaha xafiiskiisa uga degan dardar-gelinta sugidda ammaanka, dhammeystirka dib u habeynta ciidamada iyo dagaalanka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xukuumadda.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Rooble ayaa laamaha amniga xasuusiyey waajibka ka saaran ilaalinta nabad-gelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, isagoona faray inay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda Muqdisho.

“Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Kulankaas ayaa waxaa ka qayb galay siihayaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda oo ay ku jiraan xubno ka socday guddiga amniga, kuwaas oo balan qaaday in ay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku aadan amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Gaba-gabadii wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdullahi Sheekh Xaamud ayaa akhriyey warbixin ku saabsan waxyaabihii looga hadlay kulankaas.

Hoos ka Daawo